Gary Neville Oo Ka Hadlay Tartanka Premier League Kadib Kulamadii La Ciyaaray Todobaadkan

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gary Neville ayaa aaminsan in cadaadisku uu saaran yahay Liverpool tartanka Premier League iyada oo ay Reds ciyaarayso kulamo adag oo kala ah Aston Villa Iyo Man City.

Liverpool ayaa haatan 7 dhibcood ka saraysa Arsenal oo hogaanka horyaalka ku haysa, laakiin Neville ayaa aaminsan in Gunners ay wax rajo ah ka qaadan doonto in ay dhibco lumisay Everton kulankii Merseyside derby ka dibna ay guul ay ku dhibaatootay ka gaadhay Wolves.

“Waxaan u maleynayaa inay Liverpool u ahayd maalin wanaagsan,” ayuu ku yiri Gary Neville Podcast.

“Xitaa waxaan u maleynayaa inay nus maalin wanaagsan u aheyd Arsenal, iyadoo Liverpool si dirqi ah uga badisay kooxda Wolves”.

“Mararka qaar waxaad helaysaa ciyaartan oo kale marka aad horyaalka u socoto guriga, marka ay dadku is yidhaahdaan  si dhib yar ayaad ku badinaysaan, Marka aad dhaliso 2/0 waxad is odhanaysaa waxa aad ku badinaysaa goolal badan dhalinaysa laakiin uu kugu noqonayo kulan adag”.