Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa qirtay in kulamadii furitaanka Premier League ay ku qasbeen inuu wax ka beddelo saadaashiisii hore ee Top-4.
Inkasta oo Liverpool ay si dhib badan ku garaacday Bournemouth 4-2, halka Man City ay 4-0 ku xaaqday Wolves, haddana bandhigii Manchester United ee guuldarradii 1-0 ee ay kala kulmeen Arsenal ayaa Neville ku kaliftay inuu yidhaahdo United way u qalmaan inay boos ka galaan afarta sare.
“Waa isbeddel waqti dambe ah, laakiin waxaa ku jira caddayn. Mararka qaarkood kaliya hal kulan ayaa ku tusin kara waxa koox ay la iman karto xilli ciyaareedka oo dhan,” ayuu u sheegay Sky Sports.
Marka laga hadlayo tartanka horyaalka, Neville wuxuu sheegay in aysan jirin wax farqi weyn ah oo u dhexeeya saddexda kooxood ee waaweyn – Liverpool, Man City iyo Arsenal. Si kastaba, wuxuu tilmaamay in saxiixa weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyökeres uu siin karo Arsenal fursad ay ugu guuleystaan horyaalka.
“Arsenal waxay haysataa fursad la mid ah Liverpool iyo City. Ma hubo inay ku guuleysan doonaan, balse saxiixa Gyökeres waa mid wax badan beddeli kara,” ayuu yiri.