“Garsooruhu wuxuu doonaayey inuu i siiyo kaarka digniinta, waana wax aan la aqbali karin” – Lionel Messi

0
231

Xiddiga reer Argentina ayaa ogaa in haddii loo taago kaarka digniinta uu ka maqnaan doono kulanka El Clasico ee isbuuca soo socda ay kooxdiisu wajahayso Real Madrid, waxaana uu ka walwalsanaa in kaarka jaalaha uu yimaado qeybta hore ciyaartii xalay.

Cabashooyinka Messi markii uu garoonka ka baxayay waqtigii nasashada waxa uu ku sigtay in kaarka jaallaha ah la tuso sida uu warinayo warsidaha Movistar +.

Yeelkeede, Kabtanka Leo ayaa afka furtay: “Garsooruhu wuxuu doonaayey inuu i siiyo kaarka digniinta, waana wax aan la aqbali karin.” Lionel Messi ayaa la maqlay isagoo sidaa u sheegaya wakiilka kooxda ee Carles Naval.

Barcelona ayaa ugu danbeyntii ku guuleysatay ciyaarta 1-0, kaddib markii Real Valladolid ay kaarka cas qaatay isla markaana ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan qeybtii labaad.