Gargaar loo waday Falastiiniyiinta Qasa oo la bililiqaystay.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-kolonyo ay la socdeen 109 baabuur oo gargaar cunno ah siday ayaa si xun loo dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee Unrwa.

Sagaashan iyo toddobo ka mid ah baabuurta xamuulka ahaa ayaa la waayay, darawaladoodiina waxaa lagu qasbay in ay dejiyaan gargaarkii ay wadeen, kaddib markii ay adeegsadeen marinka Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho oo ku taala koonfurta Qasa, taasoo la rumeysan yahay inay ay ka dhacaan shilalka ugu xun ee la xiriira dhac iyo is hortaagga lagu sameeyo gargaarka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kolonyada ay weerar ku soo qaadeen rag wajiyada soo duubtay oo tuurayay bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

caqabadaha loo geesto daraawaliinta gargaarka wado oo wax laga qabanini ayaa waxa ay abuureysaa welwel laga qabo in malaayiinta qof ee halkaa ku dhibaataysan ay xaaladoodu ka sii dari karto.