Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee Real Madrid, Gareth Bale, ayaa u doortay Dembele xiddiga ku guuleysanayo abaal-marinta Ballon d’Or ee 2025.
Bale ayaa aaminsan in garabka weerarka xulka France uu yahay kan ugu cadcad abaal-marintan shaqsiga ah, isagoo yiri: “Wuxuu u muuqdaa mid si weyn uga sarreeya xiddigaha kale.”
Dembélé ayaa ku tartami doona abaal-marinta laacibiin ay ka mid yihiin Lamine Yamal oo Barcelona u ciyaara iyo Kylian Mbappé oo haatan ka tirsan Real Madrid.
Xilli ciyaareedkan, Dembélé wuxuu u dhaliyay PSG 35 gool wuxuuna sameeyay 16 caawin, isagoo door weyn ka qaatay guulaha kooxda ee Ligue 1 iyo labo koob oo gudaha Faransiiska ah.
Waxaa intaas dheer, PSG waxay si lama filaan ah 5-0 uga adkaatay Inter Milan si ay markii ugu horreysay u qaadaan Champions League, taas oo si weyn u xoojisay fursadaha Dembélé ee abaal-marinta Ballon d’Or.
Kooxda reer Paris ayaa sidoo kale fursad u leh inay ku darsato Club World Cup haddii ay garaacdo Chelsea ciyaarta kama dambaysta ah Axadda.
Mar uu la hadlayey ESPN, Gareth Bale ayaa yiri:
“Haa, aniga ahaan waa kan ugu cadcad. Waa in aad eegtaa waxa uu kula guuleystay kooxdiisa. Dhab ahaantii dadka badankood waxay ka hadlayaan waxqabadka shaqsiga, laakiin haddii aad sidoo kale qaado Champions League, seddexleyda gudaha, oo aad ku darsato Club World Cup — si daacad ah ma arko qof kale oo ka hor iman kara. Wuxuu ka dhigay PSG koox guulaysata, waana sababta uu ugu horeeyo tartankan.”
Ballon d’Or 2025 ayaa noqon kara mid la xusuusto haddii Dembélé loo caleemo saaro, isagoo beddelaya fikradda hore ee ah in Mbappé ama Yamal ay ahaayeen kuwa ugu cadcad.