Ganacsiyada Online-ka oo Fursado shaqo u noqday dhalinyaro ku nool Magaalada Dhoobley.

0
249

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay dunidu ay u sii talaabsaneysay horumarro kala duwan oo salka ku haya qalabka digitaalka ah oo maalinba maalinta ka dambeysa uu ku soo kordhayo wax cusub,ayaa hadana waxaa Suuqyada habka online-ka wax lagu iibsado ay yihiin kuwo ku cusub gayiga Soomaalida.

Hadaba waxaa waayadan danbe sii xoogaysanaya isticmaalka Aaladaha Tiknoolajiyadda carsriga ah taas oo ay dhalinyaradu qaar kood ay kaheleen shabakado ay ku shaqaystaan si ay nolol maalmeedkooda uga raad sadaan.

Dhalinyarada xirfadlayda ayaa intooda badan waxay miciin bideen shabakado casri ah  kuwaa oo shaqo abuur u noqday dhalinta waxaayna ahaayeen mudooyiinki dambe kuwa aad ugu hawlan ganacisiyo kala duwan iyagoo qaab online ah uga faa’iidaysanaya.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaranaya