Ganaax lacageed oo la dul dhigay shirkaddaha Facebook iyo Apple.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Midowga Yurub (EU) ayaa ganaax lacageed saaray shirkadaha waaweyn ee Mareykanka ee Apple iyo Meta, kaddib markii ay jebiyeen xeerka cusub ee suuqyada dhijitaalka ah (Digital Markets Act).

Apple ayaa lagu ganaaxay lacag dhan €500 milyan oo la xidhiidha xeerarka App Store-keeda.

Halka Meta (Facebook) lagu ganaaxay lacag dhan €200 milyan oo la xidhiidha nidaamkooda xayaysiinta ee “bixi ama ogolow” (pay or consent).

Tani ayaa timid kadib markii baadhitaanno sanad qaatey lagu sameeyey dhaqanka labada shirkadood ee suuqyada Yurub.

Maamulka Trump ee Mareykanka ayaa horey uga digay in ay talaabo ka qaadi doonto Midowga Yurub arrintan awgeed, balse Midowga Yurub ayaa sheegay in aanu joojin doonin cadaalad-fulinta.