Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasaa inay ka yihiin 75% bulshada dalka, taasoo muujinaysa in awoodda bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu jirto dhalinyarada. Inta badan dhalinyaradu waxay ka cabanayaan shaqo la’aan baahsan oo ka jirta dalka.
Hase yeeshee, waxaa jira tiro dhalinyaro ah oo la yimid hal-abuuro ay ku beddelayaan noloshooda iyo tan deegaanka ay ku nool yihiin.
Magaalada Guriceel, dhawaan waxaa hirgelintiisu socotaa Cusbitaalka Xalane oo bixinaya adeegyo caafimaad, waxaana xaruntaasi booqasho dhiirigelin ah ku tagay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore. Wasiirka ayaa sheegay in Dowlad-goboleedka Galmudug ay diyaar u tahay inay dhiirrigeliso dhalinyarada la yimaada hal-abuurro noocaan oo kale ah.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa