Galmudug oo sheegtay in ay bilaabayso dhismaha goleyaasha degaanka

0
246

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed jamac (Cabdiwayel) Oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Omar Abdi Mohamed ayaa  kulan la qaatay Gudoomiyasha Gobolada Mudug Iyo Galgaduud iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Galmudug.

Wasiirka ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo  ka warbixiyay xaaladaha nololeed Iyo Amni ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Galmudug.

Gudoomiyeyaasha gobolada ayaa soo gudbiyay cabashooyinka dhanka maamulka ay ee qabaan, sidoo kale caqabadaha ka heysta dhismaha  golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay inta sanadkaan ka dhiman in loo  baahan yahay in degmooyin badan lagu dhameystiro dhismaha goleyaasha deegaanka.

Ugu danbayntii Wasiir Cabdi Maxmed jamac Ayaa Ugu Baaqay Dhamaan Maamulada Degmooyinka Inee u diyaar Garooban Dhismaha Golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.