Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Galmudug oo galabta ku qabsoomay Aqalka Madaxtooyada.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaannada Galmudug.
Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kaddib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Xeerka Biyaha.
Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.