Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdiqaadir Shirre Warsame Galbeyti ayaa faahfaahin ka bixiyay bandhigga Tamarta iyo Biyaha oo dhowaan ay wasaaraddu qabaneyso.
isago ka dhawaajiyay in madashan diirada lagu saarayo wax ka qabashada Biyo la’aanta iyo tamarta ka jirta Galmudug iyadoo la soo bandhigayo technology-yada Cusub iyo hababka kor u qaadaya waaritaanka adeegyada aas aasiga ah.
Bandhigan oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaanba daneeyayaasha Tamarta iyo Biyaha sida Wasaaradaha bah wadaagta la ah Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Galmudug Hay’adaha Caalamiga ah Shirkadaha korantada iyo Biyaha.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya