Gabdhaha wax ka barta Dugsiyada Sare ee Dhoobley oo sheegay in ay isku diyaarinayaan Imtaxaanka Qaranka.

0
423

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magalaada Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose ayaa waxaa ku yaala Iskuulo badan kuwas oo ay soo ku soo badanayaan gabdhaha daneenaya waxbasrhada .Natiijooyinka ay gabdhaha  ka garaan imtixnaanadka dugsiga sare ayaa ah kuwa aad u wanaagsan.

Sanadkan gabahdhaha fasalka 12-aad ka gudbaaya ayaa waxay isku dayayaan in ay soo hoyiyaan natiijo ka wanaagsan natiijoyinkii sanadkii hore.Imtixaanka Shahaadiga ah Qaranka ayaa waxaa ay tahay Mudada ka harsan mid aad u yar Waxana gabdhaha barta dugsiga sare ee Rajaynayaan sanadkan Inay ka helaan Natiijo fiican imtixaanka.

Qaar kamid ah Gabdhaha Dhigta Fasalka 12-aad islamarkaana u fadhiisanaya Imtixaanka qaranka ee wax ka barta Iskuulaadka Deegaanka Dhoobley ayaa Ka warbixiyay Qaabka ay isugu diyaariyeen imtixaanka Shahaadiga ay Qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay