Gabdhaha ku nool Deegaanka Dhoobley oo loogu baaqay in ay ku dadaalan waxbarashada

0
240

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sida aan wada ognahay aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku hormarin karaan noloshooda waxayna laga maarmaan u tahay nolosha beni’aadamka, marna masino qof aqoon leh iyo qof aan aqoon laheyn.

Inkastoo Gabdhaha soomaliyeed sanado kahor dhanka waxbarashada ay ku liiteen balse waayadii danbe waxaa ay muuqatay in aad ugu soo badanayeen goobaha wax lagu barto.Dhoobley waxaa ay ka mid tahay meelaha ay gabdhaha da’ada yar kaalimaha hore kaga soo baxaan tartamada tacliinta wadanka.

Xiliyada ay gabdhuhu waxbarashada ku jiraan waxa ay la kulmaan caqabado dhanka waxbarashada ah taasi oo ah in ay qaabtaan howsha guuriga  mararka qaarna sababi karta gabdhaha in ay waxbarshada ay ku adkaato iyado taasi jirto ayaa hadana waalidiinta qaar aysan fursadaha waxbarasho siniin gabdhahooda.

Sikastaba ha ahaate iyadoo mudooyinkii u dambeeyay uu isa soo  tarayay baaqyo ku aadan in ay Gabdhaha ku dadaalaan Waxbarashada,ayaa dhalinyarada Aqoonyahanada ah ee ku nool magaalada dhoobley waxay ugu baaqeen Hablaha in ay xoojiyaan Waxbarashada.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa