Gabdhaha kalkaalisooyinka ah ee ka howlgala Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley oo ugu baaqay gabdhaha Deegaanka in ay bartaan Cilmiga Caafimaadka.

0
436

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dunida maanta qof waliba wuxu ku meel maraa xirfaadiisa si u noqdo qof waxa tarleh oo mel iska soo saaro, haweenka ama dumarka ayaa waayadii dambe kasoo muuqanayay  xirfado badan si ay kaalin muhiim ah uga ciyaaraan horumarka bulshada.

Qaar kamid ah hablaha somaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyay doranayay qabashada shaqoyiin bulshada muhiim u ah, dumarka waa kuwa u taagan haqabtiirka bulshada waxana lagu tilmaama haweenka soomaliyeed in ay yihiin kuwa ugu firiircon dunida.

Waxaa jiro gabdoa ku shaqeysta xirfadda kalkaalisnimo kuwaas oo ka howlgala Isbitaalka guud ee Deegaanka Dhoobley, Qaar kamid ah gabdhahaasi ayaan wareysi la yeelanay iyagoo inooga warbixiyay xirfadooda kalkalisanimo waxayna baaq u direen gabdhaha ku nool deegaanka islamarkaana ku bororiyay inay bartaan xirfadda kalkaalisanimo iyo guud ahaamba cilmiga caafimaadka

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa