Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku hormarin karaan noloshooda waxayna laga maarmaan u tahay nolosha bani’aadamka, marna masino qof aqoon leh iyo qof aan aqoon laheyn.
Inkastoo Gabdhaha soomaliyeed sanado kahor dhanka waxbarashada ay ku liiteen balse waayadii danbe waxaa ay muuqatay in aad ugu soo badanayeen goobaha wax lagu barto.
Gabdhaha ayaa ah kuwa kaalmaha hore ka gala waxbarshada iyagoon dadaal aad u wanaagsan muujiya intay ku jiraan waxbarshada. gabdhaha ayaa markii ay dhameyaaan waxbarshada dugsiga sare aan u gudbin heer jaamacadeed durufo iyo caqabado jro awgeed. waxa ayna saamayn wayn ku tahay gabdhaha da’da yar ee dhamaynaya dugsiyada sare.
Hadaba waxaan waraysi la yeelanay qaar kamid ah Gabdhaha wax bartay ee kunool degmada dhobely isla markaana wax ka wax ka bartay iskuulada ku yaala degmada dhobley hablahaasi ayaa inooga warbixiyay sababaha ay hablaha u aadin jamacadaha ku yaala dalka markii ay dhameeyaan dugsiyada sare.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa