Gabadhii ugu horeysay ee ku shaqeeysa xirfaddaha dab-damiska deegaanada Jubbaland oo ka warbixisay sida ay ugu suuro gashay.

0
307

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kadib Dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay Haweenka Soomaaliyeed waxa ayaa noqdeen laaf dhabar waxa aya hormuud uu noqdeen noolasha bani’aadamka waxay noqdeen kuwa qoysaskooda dabara iyaago sameynayo hormar ay noolashooda iyo waliba tan qoyskooda ku kabayaan.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waayadii dambe waxa ay kasoo muuqanayeen shaqooyin kala gadisan Sida kuwo tollo dharka oo barta xirfada harqaanka iyo kuwa barta xirfado kala duwan oo barta xirfada badan oo loogu talagalay iney noloshooda iyo tan Qoyskooda ku maareeyaan.

Magaalada Kismaayo waxaa Joogto Gabadh lagu magacaabo Nasro Xaaji Xuseen oo ah Gabadhii ugu horeysay ee ku shaqeeysa Xirfadda dab-damiska iyo makaanikada.

Nasro oo mar warbahiinta la hadashey waxa ay kawarbixisey sida ay ugu sura gashey in ay  iyaadu noqoto gabdhi ugu horeysey ee ku shaqeysa xirfada dab-damiska deeganada Dowlad Goboledka Jubbaland.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa