Gabadh dhalinyara ah oo Dhoobley ka hirgalisay goob ganacsi oo Dumarka lagu qurxiyo.

0
233

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dumarka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo inta badan kaga duwan Haweenka dunida sarashada cilaanka, mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay gabdhaha Soomaaliyeed ee baranaya hababka kala duwan ee loo qurxiyo durmarka.

Canab Maxamed waa Maamulaha xaraunta Cilaan saarka iyo qurxinta Haweenka ee Canab Beauty Saaluun oo ku taala Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, Canab ayaa Radio Sanguuni uga warantay waxyabaha ay xarunteedu Dumarka u qabto xiliyada ay yimaadaan xarunteeda, sido kale Canab ayaa ku dhiirigalisay gabdhaha Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hal abuur ganacsi oo ay noloshada ku maareyn karaan sido kalana bartaan xirfadaha kala duwan ay ku hormarin karaan noloshooda.

Dhankale waxaan iyadna geesteeda wareysanay mid kamid ah gabdhaha shaqo abuurka ka helay xarunta qurxinta Dumarka ee Canab Beauty Saaluun oo kawrbixisay waxyaabaha ay ka kooban yihiin adegyada ay u qabtaan Dumarka iyo xiliyada ay shaqeeyaan.

Gabdhaho badan oo ku nool gayiga Soomaalideed ayay fursado ganacsi u noqotay furista goobaha lagu qurxiyo Dumarka kuwaasi oo iskugu jira gabdho wax bartay iyo kuwo una waqtigu ku simin in waxbartaan balse taa badalkeeda ku dhiiraday in ay la yimaadaan hal abuur ay noloshada iyo mida qoysaskooda ku maareeyaan.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan inoga diyaarisay