G/Banaadir iyo My Bank oo Iska Kaashanaya Dayactirka Buundooyin Ku Yaalla Muqdisho.

0
242

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc dib u dhis loogu sameynayo Buundooyinka/kaabadaha ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Dhagax dhigga mashruucan lagu dayactirayo buundooyinka labada degmo ayay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga My Bank waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax ka socotay Bangiga My Bank.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan cid walba oo ka qeyb qaadaneysa horumarka caasimadda iyo dib-u-dhiska waxaa uuna ku amaanay Bangiga My Bank dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha buundooyinka mara Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ugu danbeyn waxa uu kula dar-daarmay shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib u dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee bulshadu wadaagto.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad.ayaa kawarramaya.