Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka Qaranka France ayaa usoo baxay koobka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee sannadka dambe lagu qaban doono waddanka Germany, kaddib markii ay guul 2-1 ah ka gaadheen Netherlands oo xaaladdoodu xun tahay, isla markaana halis ugu jirta in ay ka hadho tartanka.
Kylian Mbappe ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay labadii qaybood ee ciyaarta, isaga oo dhaliyey laba gool oo aad u qurux badnaa oo waliba midka dambe ay difaacu sameeyeen qalad weyn oo ay ogolaadeen in sida uu doono uu ka yeelo kooxdooda.
Tababare Didier Deschamps iyo ciyaartoyda xulkiisa ayaa si aad ah ugu dabbaal-degay magaalada Amsterdam ee waddanka Holland oo ay kala soo laabteen saddex dhibcood oo u xaqiijiyey in ay xaqiijistaan booskooda tartanka Euro 2024 ee xagaaga lagu qabanayo waddanka Germany.
France ayaa safarka galay iyaga oo ogsoon in kaliya ay u baahan yihiin in ay guuleystaan maadaama shantii ciyaarood ee hore ee Group B ay guulo haysteen, waxaana qaybta hore aamusiiyey garoonka Johan Cruff Arena ee ay taageereyaasha tirada badan ee reer Holland soo buuxiyeen xiddiga France ee Mbappe oo dhaliyey goolkiisii 41aad, ka hor intii aanu qaybta labaad raacin goolka labaad oo noqday midkiisii 42aad ee uu u dhaliyo xulka dalkiisa, hase yeeshee waxa xulka martida loo ahaa Malem daqiiqad kaddib markii uu Mbappe dhaliyey goolka labaad, balse goolkaas ayaa loo diiday inuu offside ahaa.
Dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsanaayeen ayaa ay Netherlands keeneen gool aan waxba tarin, waxaana hadda hormada B hogaaminaya France oo haysta 18 dhibcood oo badiyey lixdii ciyaarood ee ay dheeleen, halka kaalinta labaad uu ku jiro Giriigga oo 12 dhibcood leh iyo Netherlands oo haysata 9 dhibcood oo ay tahay inay si adag u dagaallanto labada ciyaarood ee hadhsan, kuna ducaysato in laga badiyo Giriiga.
Dhinaca kale, xulka qaranka Portugal ayaa usoo gudbay tartanka Euro 2024, waxaanay diyaarsadeen booskooda Germany iyaga oo taageereyaashoodu kaliya sugi doona inta la gaadhayo isku-aadka, si ay u goostaan tigidhada daawashada ciyaarahaas, iyaga oo 3-2 kaga takhalusay Slovakia.
Gool uu ciyaarta ku furay weeraryahanka PSG ee Goncalo Ramos ayaa waxa laba gool oo kale oo midkood rikoodhe ahaa raaciyey Cristiano Ronaldo, halka halka martida u ahaa ee Slovakia ay laba gool keensadeen.
Portugal ayaa hoggaaminaya Group J oo min toddoba ciyaarood la dheelay, waxaanay haystaan 21 dhibcood iyaga oo badiyey dhamaan kulamadii ay ciyaareen ee isreeb-reebka Euro 2024, waxaana labaad iyo saddexaad isku haysto Slovakia oo leh 13 dhibcood iyo Luxemburg oo haysata 11 dhibcood, balse Bosnia oo 9 dhibcood haysata ayaa uu sidoo kale hunguri ku jiraa.
Natiijooyinka ciyaarihii isreeb-reebka Euro 2024 ee caawa
QUALIFYING GROUP J
-
Iceland 1-1 Luxembourg
-
Liechtenstein 0-2 Bosnia-Herzegovina
-
Portugal 3-2 Slovakia
QUALIFYING GROUP B
-
Netherlands1France2
-
Republic of Ireland 0-2 Greece
QUALIFYING GROUP F
-
Estonia 0-2 Azerbaijan
-
Austria 2-3 Belgium