Florian Wirtz oo Magacaabay Ciyaaryahanka Ugu Wanaagsan Premier League

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka cusub ee kooxda Liverpool, Florian Wirtz, ayaa u magacaabay Mohamed Salah ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Wirtz oo xagaagan kaga yimid Reds kooxda Bayer Leverkusen ee dalka Jarmalka ayaa sheegay inuu si aad ah u rajeynayo inuu garoonka la wadaago xiddiga reer Masar, isagoo tilmaamay in Salah uu yahay halyeey dhab ah.

“Dabcan, dhammaan kooxda ayaan rajeynayaa inaan la ciyaaro, laakiin laga yaabee in Mo Salah si gaar ah uu saameyn iigu yeesho.” ayuu ku yiri Wirtz wareysi uu siiyay TBR.
“Wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedkii hore, sidaas darteed runtii waan rajeynayaa inaan la ciyaaro.”

Wirtz oo ah 22 jir u dhashay Jarmalka ayaa ku soo biiray Liverpool iyadoo lagula soo wareegay £116 milyan oo ay ku jiraan gunnooyin dheeri ah. Intii uu joogay Leverkusen, waxa uu dhaliyay 57 gool isla markaana bixiyay 65 caawin, ku dhawaad 200 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Dhanka kale, Mohamed Salah ayaa si cajiib ah u wacdareeyay xilli ciyaareedkii tegay, isagoo u dhaliyay Liverpool 34 gool kana caawiyay 23 kale 52 kulan, wuxuuna door weyn ka qaatay in kooxda ay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 5 sano ah.