Flamengo Oo Xasuuqday Chelsea Tallaabo-na Qaday Wareega Xiga Ee Koobka Kooxaha Adduunka.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Flamengo ayaa 3-1 uga badisay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa wareega 2-aad ee Group-yada koobka kooxaha adduunka Jimcihii.

Flamengo ayaa sare u qaaday dhibcaha ay ku hogaaminayso Group-ka 6 dhibcood waxana ay haatan hal talaabo u jirtaa u soo bixitaanka wareega 16-ka, halka ay kooxda Chelsea leedahay 3 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 2-aad.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Pedro Neto,halka kooxda Flamengo ay la timid goolka barbaraha,waxana u dhaliyay ciyaaryahan Bruno Henrique daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 65-aad ayay Flamengo heshay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Danilo,kadibna waxa ciyaarta laga saaray xiddiga Chelsea ee Jackson daqiiqadii 68-aad.

Daqiiqadii 83-aad ayay kooxda Flamengo dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gil Wallace-Yan.