FIFA oo Ka Jawaabtay Hanjabaadii Donald Trump Ee Koobka Adduunka 2026.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-FIFA oo u muuqata inay dhinac ka raacday Donald Trump kadib hanjabaaddii uu ku goodiyay ee aheyd inuu beddeli doono magaalooyinka martigelinaya Koobka Adduunka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in FIFA ay u muuqato inay taageertay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu ku hanjabay inuu dib ugu rari doono ciyaaraha Koobka Adduunka magaalooyin kale oo ka mid ah Mareykanka.

Koobka Adduunka ee soo socda ee xagaaga dambe ayaa lagu qaban doonaa magaalooyin dhowr ah oo ku kala yaalla gobollo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan magaalooyin ay maamulaan Xisbiga Dimuqraadiga, sida New York iyo Los Angeles.

Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay inuu doonayo in ciyaaraha laga raro magaalooyinka uu u arko in “aanay ammaan ahayn,” isagoo toddobaadkan sheegay in madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu si fudud u taageeri doono qorshihiisaas.

“Waan ka wareejin karnaa ciyaaraha” ayuu Trump yiri, kadib markii magaalada Boston noqotay tii ugu dambeysay ee uu ku goodiyo inuu ka wareejinayo martigelinta Koobka Adduunka.

“Duqa magaaladaas [Michelle Wu] ma wanaagsana… waa xagjir, waxayna qabsadeen qaybo ka mid ah Boston. Taasi waa hadal weyn, sax?” ayuu sii raaciyay.

“Haddii qof uu shaqadiisa si liidata u qabanayo ama aan dareemo in xaaladdu aanay ammaan ahayn, waxaan wacayaa Gianni Infantino, madaxda FIFA oo ah qof aad u wanaagsan, waxaanan leeyahay ‘Aan u wareejinno meel kale.’

“Wuu sameyn lahaa. Ma jecla inuu sameeyo, laakiin wuu sameyn lahaa. Aad buu u fududayn lahaa,” ayuu Trump ku adkeystay.