FIFA Oo Dal Caan Ah Ka Mamnuucday Tartanka Koobka Adduunka 2026.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in hal dal laga hor istaagay ka qeybgalka Koobka Adduunka 2026 ee lagu qabanayo USA, Canada iyo Mexico.

Intii lagu guda jiray isreebreebka, dalal badan ayaa wajahay ganaaxyo ku-meelgaar ah ama gebi ahaanba ka baxay tartanka.

Bishii Febraayo, FIFA waxay ganaaxday xiriirka kubadda cagta ee Congo (FECOFOOT) sababo la xiriira “faragelin culus oo aan sharci ahayn”. CAF ayaa isla markiiba kansashay kulamadoodii soo haray. Inkasta oo ganaaxa laga qaaday bishii May, Congo mar hore ayaa laga reebay isreebreebka kadib markii ay lumiyeen shan kulan oo xiriir ah.

Dhanka kale, Eritrea ayaa gebi ahaanba isaga baxday tartanka isreeb reebka ka hor inta aysan ciyaarin hal kulan, iyadoo warbixino sheegeen in maamulka dalka uu ka cabsaday in ciyaartoydoodu ay magangelyo ka dalbadaan dalalka ay u safraan. Inkasta oo ay bishii May dib ugu soo laabteen kubadda cagta caalamiga ah markii ugu horreysay muddo ka badan shan sano, haddana kama qeybgalayaan isreebreebka Koobka Adduunka