Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha xulka Portugal ee Fernando Santos ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin cidda ku soo bilaaban doonta kulanka soo socda ee Portugal ay kula ciyaari doonaan Morocco wareega siddeeda ee koobka adduunka.
Fernando Santos ayaa go’aansaday inuu kursiga keydka fariisiyo Cristiano Ronaldo kulankii xalay ee Switzerland, waxaana uu beeskiisa keensaday Gonzalo Ramos oo ahaa ciyaaryahankii saddexley u dhaliyay xulka qaranka Portugal.
Xulka Portugal ayaa 6-1 kaga soo adkaatay Switzerland, kulankii wareega 16-ka Koobka Adduunka, taasoo u suuragalisay inay balan kaga sameystaan dhigooda Morocco wareega siddeeda ee koobka adduunka.
Ciyaarta kaddib Tababaraha xulka Portugal ee Fernando Santos ayaa la hadlay saxaafada, wuxuuna yiri:
“Ma ahayn habeen kaamil ah, laakiin waxaan ku ciyaarnay ciyaar aad u wanaagsan oo leh dabeecad sax ah garoonka dhexdiisa 90-kii daqiiqo oo dhan.”
Intaas kaddib wuxuu ka hadlay sababtii uu kursiga keydka u dhigay Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:
“Mar hore ayaan ka wada hadalnay arintaas, mana samayn doono markale, isaga iyo Gonzalo Ramos waa laba ciyaartoy oo kala duwan.”
“Ronaldo waa kabtankeena, wax dhibaato ahna ma dhicin go’aankeyga kaddib. mar walba wuxuu isku dayaa inuu nacaawiyo, laakiin aniga kaligey iguma xirna inaan sheego inuu ciyaari doono kulanka soo socda iyo inkale, waan arki doonaa waxa dhaca.”