Ferdinand Oo La Yaabay In Aan Ciyaarta Laga Saarin Xiddig Liverpool Ah Kulanka PSG.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rio Ferdinand ayaa ‘la yaabay’ daafaca Liverpool Ibrahima Konate aan laga saarin ciyaarta kulanka PSG kadib markii uu khalad ku galay xiddig PSG ah.

Taageerayasha Liverpool ayaa ka naxsanaa in Konate ciyaarta Laga saaray kadib markii uu xiddiga Barcola ku galay khalad isaga oo ku dhaw in uu gool dhaliyo.

Laakiin VAR ayaa xaqiijiyay in Aanu ahayn khalad ciyaarta looga saari karo xiddiga.

Laakiin halyeeyga Man United ee Ferdinand ayaa la yaabay in aan xiddiga Konate ciyaarta Laga saarin sabab la xidhiidha khaladka uu galay.

“Taasi waa qalad” ayuu Ferdinand yidhi

“Waan la yaabay in aan ciyaarta Laga saarin”