Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiisadda heshiiska Viktor Gyökeres ayaa cirka isku sii shareertay maanta, iyadoo Manchester United ay si rasmi ah isugu dayday inay ka afduubato Arsenal heshiiska ay la gaareen Sporting Lisbon, xilli muran sharci ahna uu ka dhex qarxay ciyaaryahanka iyo kooxdiisa.
Arsenal iyo Sporting Lisbon ayaa todobaadkii hore si afka ah ugu heshiiyay in Gyökeres lagu iibiyo qiimo u dhexeeya €63.5m ilaa €70m, balse wali lama dhameystirin heshiis rasmi ah – taasoo fursad siisay Manchester United.
Sida ay tabisay SIC Noticias, Sporting Lisbon ayaa hadda si dhow wadahadal ugula jirta Man United, iyadoo Red Devils ay miiska saareen dalab dhan €70m–80m (£60m–69m), kaasoo aad uga sareya kan Arsenal.
Inkasta oo Gyökeres uu si cad u doonayo inuu u wareego Arsenal – haddana madaxweyne Varandas ayaa u muuqda mid doorbidaya qiimaha ugu sarreeya.
Arrintu waxa ay gaartay heer kul sare: Gyökeres ayaa diiday inuu kasoo muuqdo tababarka, wuxuuna ku adkeysanayaa inuusan mar dambe u ciyaari doonin Sporting. Kooxdu waxay qaaday tallaabo sharci ah, halka Gyökeres-na uu ku jawaabay warqad sharci ah oo uu ku weerarayo maamulka, kuna adkaysanayo in lagu xadgudbay heshiiskii hore ee xushmadda ku dhisnaa.
Manchester United ayaa hadda si dhab ah ugu tartameysa saxiixa Gyökeres, Arsenal-na waxay wajahayaan khatar weyn oo ay ku waayi karaan weeraryahanka ay muddada raadineysay. Waxaa la sugayaa sida murankan sharci iyo dhaqaale u kala xallin doono xiisadan maalmaha soo socda.