(
hoobleey(Idaacadda Sanguuni). FC Porto ayaa guul kaga gaartay kooxda Juventus kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao ee dalka Portugal. kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1.Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee FC Porto.
Daqiiqadii 2-aad ee bilowga ciyaarta kooxda kubadda cagta ee FC Porto ayaa durba hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Mehdi Taremi.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
46 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda kubadda cagta ee FC Porto ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Moussa Marega, waxaana caawinta goolkan lahaa Wilson Manafa.
Daqiiqadii 82-aad kooxda Juventus ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay Federico Chiesa, kaddib markii ay caawinta goolkan kaga timid saaxiibkiis Adrien Rabiot.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 2-1 oo ay FC Porto kaga adkaatay kooxda Juventus kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao ee dalka Portugal.
SAWIRRO: