Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xilli roobab gu’ga ay ka curteen qeybo badan oo ka mid ah gobolada soomaaliya ah ayaa waxaa meelaha qaar laga soo sheegayaa fatahaado.
Deegaanada ku xeeran degmada jowhar ayaa ka mid ah goobaha ay fatahaadahani halakeyen beerihi ku yaalay.
Tuulada Mandheera oo dhowr iyo toban kiilo mitir u jirta degmada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha uu webiga ku fatahay islamarkana dalagyadii halkaasi ku yaallay ay baa’biyeen.