Faranskiisa oo ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowlad Falastiin leedahay

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiin leedahay bisha Sebtembar, sida uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, taasoo ka dhigeysa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan G7 oo tallaabadaas qaada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ee horey loo oran jiray Twitter, Macron wuxuu sheegay in warkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono intii lagu guda jiro fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona magaalada New York.

“Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Qasa la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini’aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Qasa,” ayuu qoray.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Macron, halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadan “ay abaal-marinayso Xamaas” ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay Israa’iil.