Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaranka Faransiiska ayaa u gudbay finalka Koobka Adduunka oo ay ku ballameen Argentina, kaddib markii ay guul 2-0 ah ka gaadheen Morocco oo ciyaar heersare ah la timid laakiin uu nasiibku diiday oo iska lumiyey fursado badan oo ay heleen.
Ciyaarta oo inteeda badan ay maamulayeen xiddiga Morocco ayaa waxa fursadoodii ugu horreysay sameeyey Ounahi oo kubbad uu ku toogtay goolka uu ka badbaadiyey goolhaye Hugo Lloris.
Faransiiska ayaa ku dhowaaday inay gool labaad la yimaaddaan daqiiqaddii 17aad, waxaana kubbad uu Olivier Giroud ka xoogsaday Romain Saiss oo dhaawac ciyaarayay uu ku toogtay goolka oo masaafo dhow u jiray, waxaase darbaddan xooggan oo dhinaca midig ka martay goolhaye Bounou ay ku dhacday birta, dibedda ayaanay u baxday.
Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee telefishannada ayay qaarkood ku doodeen in Morocco ay xaq u lahayd rikoodhe oo Theo Hernandez uu lugta u dhigay Boufal inkasta oo uu kubadda ka hor taabtay.
Tchouameni ayaa helay fursad fiican oo ay bixiyeen difaacyahannada Morocco oo qaybtii hore qaladaad badan samaynayay. Kubbad uu Mbappe ka dhax saaray difaaca ayaa waxa uu Tchouameni ku ganay goolka, waxaase badbaadiyey Hakimi.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Morocco saxday qaladaadkii ay samaysay qaybta hore, waxaanay qabsadeen khadka dhexe oo ay qaybtii hore ka liigayeen, halka difaacii badnaa ee ay cabsida Mbappe u geysayna ay iskaga soo baxeen.
Varane iyo Konate ayaa iskugu tegay badbaadada xulkooda. Kubbad uu dhinaca ka keenay Hakim Ziyech ayaa waxa helay En-Nesyri, waxaana uu usii gudbiyey Boufal balse waxa badbaadiyey Konate ka hor intii aanu Ounahi ku celin.
Nasiib-darradii ugu weynayd ayaa ku dhacday Morocco daqiiiqaddii 76aad. Abderazak Hamdallah ayaa helay fursaddii ugu fiicnayd ciyaarta ee soo marta Morocco waxaana uu kubbad la hor tegay goolhayaha balse halkii ku laadi lahaa ayaa uu doortay inuu u gooyo difaacyahannada. Sidaas ayaanu ku khasaariyey fursaddaas.
GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! France 2-0 Morocco !!!! Faransiiska ayaa sii dheeraystay hoggaanka ciyaarta, waxaanay heleen gool labaad oo uu u dhaliyey Kolo Muani oo beddel kusoo galay. Kubbad uu Kylian Mbappe lasoo galay xerada ganaaxa ayuu u gooyey laba ciyaartoy, ka hor intii aanu goolka toogan, balse kubadda ayaa kusii dhacday difaacyahannada Morocco waxaanay u tagtay Kolo Muani oo meel cidlo ah oo dhinaca midig ah taagan, waxaanu si fudud ugu leexiyey shabaqa.
Beddelkii badbaadada: Kolo Muani ayaa noqday beddelkii khayrka lahaa ee Faransiiska ee ka furfuray culays badan oo saarnaa, waxaana uu dhaliyey goolka guusha sida dhabta ah ugu xaqiijiyey ee gaadhsiiyey meel aanay ka baqayn in laga daba yimaaddo.
TAARIIKH: Goolkan ayaa noqday midkii saddexaad ee ugu taariikhda Koobka Adduunka ugu degdegga badnaa. 44 ilbidhiqsi oo kaliya ayuu Kolo Muani ku jiray garoonka markii uu goolka dhaliyey, waxaana uu noqonayaa ciayartoygii saddexaad ee waqtiga ugu degdegga badan ku dhaliyey gool Koobka Adduunka ah.
Dhamaadkii ayay fursad kale oo fiican heleen Morocco balse waxa laynka goolka kasoo qabtay Kounde oo sidaas ku badbaadiyey.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Faransiiska oo ay finalka wada ciyaari doonaan Argentina maalinta Axadda.