Faransiiska oo doonaya in la aqoonsado dowladda Falastiin.

0
18

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay.

Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelato”.