Faransiiska ayaa qaaday tallaabo aan horey loo arag oo ah in uu u yeertay danjireyaashii u fadhiyay waddamada Australia iyo Mareykanka.

0
158

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Heshiiska saddexdani waddan ee Autsralia, Britain iyo Mareykanka ayaa lagu dhawaaqay arbacadii dhaweyd. Mareykanka iyo Australia ayaa labaduba sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka ay qaadatay xukuumadda Paris.

Balse tallaabadan ayaa ka careysiisay Faransiiska, oo sheegay in “dhabarka laga toogtay”, halka Shiinaha ay saddexdan dal ku eedeysay inay wadaan “Dagaal Qabow”.

Heshiiskan ayaana sare u qaaday cabsida ah inuu sababi karo dagaal lala galo Shiinaha.

Isbahaysigan, oo loo yaqaanno Aukus, ayaa waxaa Arbacadii ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo dhiggooda Australia Scott Morrison.

Inkastoo aysan soo hadal qaadin Shiinaha, haddana Aukus ayaa loo arkaa dadaal lagula loollamayo saameynta Beijing ee Badda Koofurta Shiinaha.

Johnson ayaa mar dambe xildhibaannada u sheegay in heshiiska “aanan loola dan lahayn in la isugu tago” Shiinaha.

Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa su’aal weydiisay Theresa May oo xilkaas kaga horreysay, taas oo ku saabsaneyd in heshiisku uu Britain ku hoggaamin karo dagaal lala galo Shiinaha.

 

Waxay Ra’iisul Wasaaraha weydiisay “cawaaqib xumada” ka dhalan karto isbahaysiga iyadoo Shiinuhu uu heysto Taiwan.

Johnson ayaa ku jawaabay: “UK waxaa ka go’an difaaca shuruucda caalamiga ah taasina waa talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn saaxiibbadeen caalamka, waana talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn dowladda Beijing.”

Taiwan ayaa isku heysata dal madax bannaan, balse Beijing ayaa kordhisay cadaadiska ay saarto jasiiraddaas oo ay u aragto ismaamul gobol oo dalkeeda ka tirsan.

 

Dhanka kale Washington ayaa isku dayday soo afjaridda carada Paris ee hesiiska, oo ay ku kacayso malaayiin doollar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa arrintaasi ku tilmaamay “dhabar toogasho”.

Wuxuu ku tilmaamay “go’aan xaasidnimo leh, si keli ah loo qaatay oo aan la saadaalin karin” kaas oo soo xusuusiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Diblomaasiyiinta Faransiiska ee Washington ayaa aargoosi ahaan u baajiyay xaflad loogu dabaal degi lahaa xiriirka Mareykanka iyo Faransiiska.

Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa Faransiiska ku tilmaamay “saaxiib muhiim ah” wuxuuna sheegay in Washington ay weli “si dhow” ula shaqeyn doonto Paris.

Heshiiska, oo sidoo kale ay dalalkan is bahaystay ku wadaagayaan awoodaha internet-ka iyo teknolojiyado kale, ayaa la taliyaha ammaanka qaranka ee UK Stephen Lovegrove wuxuu ku tilmaamay inuu muujinayo “isbeddel istaraatiijiyadeed oo weyn”.

Waxay la micno tahay in Australia ay noqon doonto dalkii toddobaad ee dunida ee adeegsada markab quwadda nukliyeerka ku shaqeeya.

Lovegrove ayaa sheegay in heshiisku uu yahay “iskaashiga awoodeed ee ugu muhiimsam ee ka dhaca meel dunida ka mid ah 60-kii sano ee la soo dhaafay”.

Shiinaha, ayaa dhanka kale, ku eedeysay isbahaysiga inay ku fekerayaan dagaal qabow kaas oo dhaawici kara danahooda gaarka ah.

Wargeyska ay dowladda Shiinaha leedahay ee Global Times ayaa ka digay soo safidda ciidan, isagoo intaa raaciyay in ciidamada Australia ay u muuqdaan inay noqonayaan “kuwa ugu horreeya ee ku dhinta” “iska caabbinta” Shiinaha.

Balse wasiirka gaashaan dhigga Australia, Peter Dutton, ayaa iska riixay falcelinta Beijing.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa Khamiistii codsatay inay ku biirto heshiiska muhiimka ah ee ganacsiga Asia-Pacific iyadoo uga dan leh xoojinta halka ay kaga jirto gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, ayaa si kastaba, beenisay in tallaabada loogu biirayo heshiiskan ay jawaab u tahay kan isbahaysiga UK, Mareykanka iyo Australia.

Haddii ay ku biirto heshiiska CPTPP, oo ay sanadkii 2018 saxiixeen 11 dal oo ay ku jiraan Australia iyo Japan, ayaa wuxuu xoojin doonaa awoodda ganacsi ee Shiinaha.