Fabian Ruiz Oo Saadaaliyay Kulankan Chelsea Final Club World Cup-ka.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Laacibka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain, Fabian Ruiz, ayaa rajo ka qaba inay Axadda garaacaan Chelsea finalka Koobka Kooxaha Adduunka.

Ruiz ayaa dhaliyay labo gool iyadoo PSG ay garaacday Real Madrid habeenkii Arbacada.

Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa haatan ku dari doonta koobkooda Champions League marka ay New Jersey kula ciyaaraan Blues.

“Waxay ahayd ciyaar cajiib ah,” Ruiz ayaa u sheegay DAZN.

“Qaab ciyaareed fiican, gaar ahaan marka la eego kulaylka, waxa ay ahayd qaab ciyaareed cajiib ah oo aan ka hortagnay koox ugu sareysa Real Madrid, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo marnay.”

La ciyaarista Chelsea ee final tartanka koobka kooxaha adduunka “waxa ay noqon doontaa ciyaar adag”.

“Waan ognahay inay yihiin koox wanaagsan, si fiicanna ay u shaqeynayaan, laakiin waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysan karno oo aan ku dhameysan karno xilli ciyaareedka sida ugu wanaagsan.”.