(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Halyeeyga reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa shaaca ka qaaday musharixiinta ugu cad cad ee u tartami doona ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or 2021-ka, taasi oo ay ka muuqato tartan aan horay loo arag oo hadda socda.
Waxaa jira magacyo badan oo ku tartamaya abaal-marinta Ballon d’Or 2021-ka, waxaana hogaaminaya weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi, marka lagu daro Robert Lewandowski, Jorginho, Karim Benzema iyo Mohamed Salah.
Samuel Eto’o ayaa si cad u sheegay in Lionel Messi, uu xaq u leeyahay inuu ku guuleysto abaal-marinta sanadkan, iyadoo loo tixgalinayo waxqabadkiisa gaarka ah, iyo in markii ugu horreysay uu kula guuleystay Copa America Xulka qaranka Argentina.
Eto’o wuxuu sidoo kale u magacaabay weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema inuu noqdo magaca labaad ugu cad cad eek u guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or, isagoo xusay inuu wax walba ka sameynayo Los Blancos, tan iyo markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo xagaagii 2018.
Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Samuel Eto’o, wuxuuna yiri:
“Ballon d’Or? mar walba waxaan kula talinayaa Messi, wuxuu ila mid yahay walaalkey iga yar, aad ayaan ugu qadariyaa ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaan, waxaan daawaday isaga oo koraya, waxaan u hayaa jacayl qaas ah, aniga ahaan isagu weli waa kan ugu fiican adduunka.”
“Haddii aan iska indho tirayno Messi, waxaa jira ciyaartoy kale oo aan jeclahay, sida Benzema, waa mid ka mid ah ciyaartoyda aan jeclahay, kooxda ayuu garbihiisa ku qaaday tan iyo bixitaankii Cristiano Ronaldo.”