Erling Haaland Oo Gool Lama Filaan Ah U Doortay Midka Uu Ugu Jecel Yahay Goolashiisa Man City

0
88

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mishiinka goolasha Manchester City ee Erling Haaland ayaa xushay goolka uu ugu jecel yahay 52-ka gool ee uu durba xilli ciyaareedkiisii koowaad u dhaliyay kooxdaas.

Haaland ayaa rekoodho badan jabiyay waxaana kamid ah goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed laga soo dhaliyo Premier League oo uu 36 gool leeyahay xilli uu horyaalkii saddexaad oo xidhiidh ah ku hoggaamiyay City.

Erling ayaa wali haysta fursad uu saddexley caan ah kula qaado kooxdiisa oo joogta Final-ada FA Cup iyo Champions League.

Erling ayaa goolal cajiib ah kasoo dhaliyay ilaa haatan kooxo badan oo waaweyn balse waxa uu sheegay in goolkii maqaska ahaa ee uu la gaadhay shabaqa Southampton uu yahay midka uu ugu jecel yahay.

“Dhabalkii aan ka dhaliyay Southampton wuxuu ahaa wax khaas ah, way adagtahay in gool kaliya la doorto” ayuu yidhi Haaland.

Dhinaca kale Haaland oo ka hadlaya fursada saddexleyda koobabka ah ee Man City ayaa yidhi “Champions League ayaa ah riyadayda ugu weyn, waynu arki doonaa toddobaadyada soo socda”.

Erling Haaland bags a brace as Manchester City make short work of  Southampton | PlanetSport