Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa sameynaya rikoorro iyo taariikho u gaar ah tartanka Champions League.
Xiddigan da’da yar ayaa sameynaya taariikho dhanka goolasha ah, waxaana xalay uu gaaray rikoor ay gaari waayeen xiddigaha ugu goolasha badan tartankan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Erling Haaland ayaa noqday xiddiga sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaliyay 20-kiisa gool ee ugu horreeya Champions League, waxayna ku qaadatay kaliya 14 kulan.
Haaland ayaa goolashiisii 19-aad iyo 20-aad xalay ka dhaliyay kooxda Sevilla ee dalka Spain ka dhisan ciyaar kusoo idlaatay 2-2 oo ka dhacday garoonka kooxda Dortmund.
BVB ayaa usoo gudubtay wareegga siddeed-dhammaadka tartankan maadaama ay lugtii hore ee is araggan ay kusoo guuleysatay 3-2 ciyaartii martida loo ahaa Sevilla.
Haaland ayaa rikoorka xiddiga ugu dhaqsiyaha badan ee gaara 20 gool tartanka Champions League kala wareegay weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane kaasoo ay ku qaadatay 24 kulan inuu gaaro 20m gool oo tartanka horyaallada Yurub ah.
Sidoo kale laacibka reer Norway ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee 20 gool ka dhaliyay Champions League, waxaana uu rikoorkaas kala wareegay Kylian Mbappe.
Xiddigaha 20 gool oo Champions League ah ku dhaliyay kulammada ugu yar:-
Erling Haaland – 14 kulan
Harry Kane – 24 kulan
Alessandro Del Piero – 26 kulan
Ruud van Nistelrooy – 27 kulan
Filippo Inzaghi – 28 kulan
Mario Gomez – 32 kulan
Rivaldo – 33 kulan
Jardel – 33 kulan
Karim Benzema – 34 kulan
Marco Simone – 35 kulan
Xiddigaha ugu da’da yar ee gaaray 20 gool oo Champions League ah
Erling Haaland: 20 Sano iyo 231 maalmood
Kylian Mbappé: 21 Sano iyo 355 maalmood
Lionel Messi: 22 Sano iyo 266 maalmood
Raúl González: 22 Sano iyo 297 maalmood
Alessandro Del Piero: 23 Sano iyo 157 maalmood
Karim Benzema: 23 Sano iyo 282 maalmood
Wayne Rooney: 24 Sano iyo 157 maalmood
Thomas Müller: 24 Sano iyo 159 maalmood
Andriy Shevchenko: 24 Sano iyo 165 maalmood
Cristiano Ronaldo: 24 Sano iyo 306 maalmood