Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa laga yaabaa inay Erik ten Hag ku maamuusto bilad haddii kooxdu ay ku guulaysato koobka Europa League, sida ay warinayso Goal.
United ayaa qarka u saaran inay u soo baxdo finalka, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday Athletic Bilbao lugtii hore ee semi-finalka.
Lugta labaad ee kulanka ayaa lagu ciyaari doonaa Old Trafford Khamiista.
Red Devils ayaa finalka wajihi karta Tottenham Hotspur, hadii ay badisana waxa ay heli doontaa 50 biladood.
Tani waxay u ogolaanaysaa iyaga ikhtiyaarka ah in ay bilado guddoonsiiyaan xubnaha shaqaalaha ee aan hadda joogin naadiga.