Ergayga gaarka ah oo Xukuumadda uga warbixiyay saameynta baaxada Abaaraha.

0
157

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta warbixin ku saabsan saameynta iyo baaxadda Abaaraha la wadaagay xubnaha Gollaha Wasiirada.

Ergaygu wuxuu sheegay in abaarta daran ee dalka ka jirta ay ay saameysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, taasoo u dhiganta ku dhawaad 50% tirada guud ee dadkeenna, sidoo kale wuxuu xusay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, halka uu Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.

Wuxuu muujiyay jiritaanka midnimo iyo u heellanaan xooggan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo sida ay u fududaatay hawlgelinta miisaaniyad cusub oo Bankga Adduunku uu u qoondeeyay Abaaraha, xilli Kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka ( HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maalgelinta ka hortagga macluusha ayaa la kordhiyey oo la gaarsiiyey 86%.

Ergeyga wuxuu kaloo warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, isagoo xusay dhaqaale xumo ka dhalatay Covid19, dagaalka Ukrain, iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.

Wuxuu Ergeyga soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardargelin koro gurmadka abaaraha, isku duwidda gargaarka, isago ku baaqay in isku dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha, isla-markaana lagu soo bandhigayo fursadaha dalkeennu haysto, gaar ahaan daboolista amiga cuntada ah (food security) iyo isbedelka cimilada.