Erdogan oo walaac ka muujiyey dagaal dhex-mara NATO iyo Ruushka.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan.

Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga.

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv.

Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow.