England Oo Garaacday Scotland Xilli Harry Maguire Uu Gool Iska Dhaliyay

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Musiibada Harry Maguire ayaa weli socota ka dib markii uu shabaqa iska soo taabtay kulankii saaxiibtinimo ee ay England 3-1 uga badisay Scotland, iyadoo Jude Bellingham uu gool iyo caawinaad isku darsaday.

England ayaa 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta waqtigii nasashada ee ciyaarta lagu maamuusayay sannadguuradii 150aad ee kulan caalami ah iyadoo ay shabaqa soo taabteen Phil Foden iyo Jude Bellingham.

Laakin Scotland ayaa caawinaad heshay daqiiqadii 68aad kadib markii uu Maguire gool iska dhaliyay. Daafaca dhexe ee ku fashilmay Man United ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad isagoo bedelay Marc Guehi.

Waxa uu daafaca Brighton ee Lewis Dunk ku weheliyay wadnaha difaaca England laakiin si badheedh ah ayuu Scotland uga caawiyay in ay ciyaarta dib ugu soo laabato.

Andy Robertson ayaa karoos ka soo dhigay garabka midig, Maguire ayaa isku dayay inuu kubada bixiyo laakiin bedelkeeda waxa uu kubada daba mariyay goolhaye Aaron Ramsdale.

England ayaase dib u soo ceshatay hogaankeeda labada gool markii kabtan Harry Kane uu dhaliyay goolka seddexaad ka dib caawinaad uu ka helay Jude Bellingham.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay England ku garaacday Scotland.