Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-England ayaa ku guuldareysatay inay badiso kulankii shanaad ee isku xiga ee isreebreebka Koobak Qaramada Yurub ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Ukraine.
Ukraine iyo England ayaa ciyaaray kubad la isku adkeeyay oo barbaro ku dhamaatay ciyaar ka tirsaneyd Group C isreebreebka Euro 2024.
Xulka martida loo ahaa ee Ukriane oo ku ciyaarayay dalka Poland sababo la xiriira dagaalka ka socda dalkooda ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta daqiiqadii 26aad markii uu xiddiga Arsenal Oleksandr Zinchenko uu si cajiib ah kubad shabaqa ugu hubsaday.
Wax yar ka hor waqtigii nasashada laacibka Manchester City Kyle Walker ayaa baas cajiib ah uu ka helay Harry Kane ku barbareeyay ciyaarta, waxayna aheyd goolkiisii ugu horeysay abid ee xulka Ingariiska.
Qeybtii labaad fursado badan la iska helin iyadoo Bukayo Saka uu ugu soo dhawaa laakiin darbadiisa waxaa bixiyay oo birta ku sii dhuftay goolhaye Heorhiy Buschan.
Ukraine waxay Talaadada garoonka San Siro kula ciyaari doontaa xulka Italy halka England ay kulan saaxiibtinimo ugu safri doonto Scotland.
Group C waxaa 13 dhibcood ku hogaamineysa xulka Ingariiska waxay ka sareeyaan xulka kaalinta labaad ee Ukraine oo leh todoba dhibcood.
Xulka Talyaaniga oo seddex kulan ka yar Ingariiska ciyaaray ayaa leh seddex dhibcood.
England uma soo bixi karto Koobka Qaramada Yurub ilaa bisha Oktoobar laakiin waxay ku jiraan boos xoogan.