Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa bilowday wadahadalo ay kula soo saxiixaneyso Emiliano Martinez, goolhayaha Aston Villa ayaana tilmaamay inuu aad u doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Argentina.
United ayaa la rumeysan yahay inay suuqa ugu jirto goolhaye cusub suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib markii Andre Onana uu sameeyay qaladaad badan oo heer sare ah xilli ciyaareedkan.
Onana, oo United ay heshiis 47 milyan ah kula soo wareegtay 2 sano ka hor waxana uu ilaa haatan diidan ay in uu ka tago kooxda.
Markii la weydiiyay inuu sii joogi doono United, Onana wuxuu ku jawaabay isagoo dhoola cadeynaya: ‘Miyaan bixi doonaa? Ma garanayo, waan arki doonnaa”.
Dhanka kale, Martinez, ayaa hadda dhameystay xilli ciyaareedkiisii shanaad ee Villa ka dib markii uu 20 milyan ugaga soo biiray Arsenal sanadkii 2020.
Sida laga soo xigtay ESPN Argentina, United ayaa haatan wadahadalo la furtay Martinez, goolhayaha ayaana u furan inuu ku biiro kooxda Ruben Amorim xagaagan.