Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in goolhayaha reer Argentina Emiliano Martinez oo u ciyaara Aston illa uu u furanyahay in uu ku biro kooxda Man United xitaa hadii ayna kooxdu ka qayb galayn champions League.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jacobs mustaqbalka heshiisku wuxuu ku xiran yahay booska goolhayaha Cameroon Andre Onana, kaasoo aan weli lagu wargelin inuu ka baxayo qorshaha kooxda
Manchester United ayaa kaliya qorshaynaysay in ay xagaagan la soo wareegto goolhaye kayd ah, laakiin maamulka kooxda ayaa ka fikiraya suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karaan goolhaye dooqa kowaad ah haddii ay jiraan doorashooyin ku haboon.
Aston Villa ayaan wali helin dalab rasmi ah, laakiin Manchester United ayaa ka warqabta in Martinez uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Kooxda Aston Villa ayaa la filayaa in ay dalbato lacag an 40 milyan oo euro maadama uu xiddigu kooxda kula jiro heshiis ilaa sanadka 2029.