Elon Musk oo ku dhawaaqay qorshe cusub ka dib khilaafka isaga iyo Turmp.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Elon Musk ayaa sheegay inuu bilaabayo xisbi siyaasadeed oo cusub, toddobaadyo kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Maalqabeenkan ayaa bartiisa bulshada ee X, ee horrey loo oran jiray Twiter, kaga dhawaaqay inuu aasaasay xisbi uugu yeeray (America Party) isagoo tilmaamay inuu caqabada ama tartan adag ku noqonayo nidaamka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddayn in xisbiga si rasmi ah looga diiwaangeliyay hay’adaha doorashada Maraykanka, sidoo kalena Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan cidda hogaamin doonta ama qaabka uu xisbigu yeelan doono.

Wuxuu markiisii kowaad soo jeediyey filashada furitaanka xisbigan intii lagu jiray khilaafkii isaga Trump, taas keentay inuu ka tago doorkiisii maamulka una galay dagaal afka ah oo xun oo uu la galay saaxiibkiisii hore.

Intii uu socday murankaas, Musk wuxuu sameeyay codbixin uu ku daabacay bartiisa X, isagoo dadka weydiiyay haddii ay doonayaan in Maraykanka laga dhiso xisbi siyaasadeed oo cusub.

Markuu mar kale xusay codbixintaas Sabtidii, Musk wuxuuna soo qoray,

“Marka la eego natiijada codbixinta – 2dii qofba hal qof ayaa taageersan xisbiga cusub, sidaas darteed waad heli doontaan!”

Laga bilaabo Sabtidii, guddiga doorashada heer federaal ma daabicin dukumentiyo muujinaya in xisbiga si rasmi ah loo diiwaan geliyay.

Musk wuxuu ahaa taageere muhiim ah u ahaa ololihii Trump doorashadii 2024, wuxuuna ku bixiyay 250 milyan, si uu Trump dib ugu soo laabto xafiiska.