
Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Elon Musk ayaa sheegay inuu ka fadhiisan doono shaqada madaxa twitter-ka marka uu helo qof la wareego maamulka guud ee shirkadda Twitter-ka. Musk ayaa ballanqaaday inuu tixgelin doono natiijada afti uu u soo bandhigay
dadka isticmaala barta twitter-ka oo uu ku weydiinayay inay u codeeyaan "haa"
haddii ay rabaan inuu ka fadhiisto maamulka shirkadda twitter.
Isbadellada ka dhacay twitter-ka tan iyo markii uu Elon Musk la wareegay ayaa si
weyn loo cambaareeyay.
La wareegitaanka Elon Musk ee Twitter-ka ayaa sababay dood joogto ah oo ku
saabsan mustaqbalka madashan – xitaa dawladda Maraykanku waxay muujisay
"walaaca ku saabsan awoodda ay leeyihiin warbaahinta bulshada ee waaweyn".
Balse la wareegitaanka Musk ee goobtan oo ay ku baxday lacag $44 bilyan ah ayaa
sidoo kale iftiimisay "taariikhdiisa wax kusoo qoridda twitter-ka" taas oo muran
abuuri jirtey markaa kasta oo uu wax soo qoro bilyaneerkan ku dhashay Koonfur
Afrika.