Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska oo uu dib ugu noqon doono shan sannadood kaddib markii uu ka tegay, waaana uu ka degayaa koox lama filaan ah oo la sheegay in ay heshiis wada gaadheen.
Hazard oo ka mid ah ciyaartoydii ugu hibada badnayd ee soo martay kubadda cagta 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaan si rasmi ah loogu dhawaaqin heshiiskiisa, hase yeeshee waxa la sheegay in ay suurtogal tahay in usbuucyada soo socda uu dib uga soo muuqdo horyaalka Premier League.
Laacibkan oo ay Real Madrid burburisay heshiiskii ay kula jirtay, kaddib dhaawacyo ragaadiyey intii uu joogay Spain oo sannadkii 2019 ay Los Blancos £88.5 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Chelsea ayaa waxa uu dib u bilaabayaa xasuustiisii wanaagsanayd ee horyaalka Premier League oo 353 kulan oo uu u saftay Chelsea uu u dhaliyey 110 gool.
Sida uu qoray wargeyska AS, kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa wada-hadallo kula jirta Eden Hazard oo koox la’aan noqday bilowgii xagaagan oo ay Real Madrid fasaxday, waxaana la sheegay in dhinayadu danaynayaan in heshiiska si buuxda loo dhamaystiro.