Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa markii ugu horreysay ku dhawaad muddo toddobo sano ah dib u billowday duullimaadka tooska ah ee u dhexeya Yemen iyo Sacuudi Carabiya.
Diyaarad sidday in ka badan 270 qof oo u dhashay Yemen oo ka duushay magaalada Sancaa ayaa u ambabaxday magaalada Riyaadh ee boqortooyada Sacuudiga.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda duullimaadka ee Yemenia ama Yemen Airways ayaa rakaabkan oo Xujey ah xalay u qaadday Sacuudiga.
Madaxa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Sancaa ,Khalid al-Shayyef ayaa sheegay in diyaaraddan ay ka mid tahay ilaa 5 duullimaad oo ay raaci doonaan dadka doonaya inay sanadkan soo xajiyaan.