Duulimaadyada Maraykanka oo caadi ku soo noqday ka dib cillad farsamo oo baajisay 11,000 oo duulimaad

0
182
A Westjet Airlines jet lands in front of planes backed up waiting to depart on the runway after flights earlier were grounded during an FAA system outage at Laguardia Airport in New York City, New York, U.S., January 11, 2023. REUTERS/Mike Segar

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda duulimaadyada Federaaliga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay Khamiistii in duulimaadyadii badankoodu ay caadi ku soo noqdeen, ka dib markii ay cilladi ku timi mid ka mida computer-ada laga hago diyaaradaha Maraykanka, taas oo saamaysay in ka badan 11,000 oo duulimaad oo qaarkoodna ay baajiyeen duulimaadyadii halka qaar kalena uu dib u dhac ku yimi duulimaadkoodii caadiga ahaa.

Barta dhinaca internetka ee FlightAware.com ayaa iyana ku warantay in duulimaadyadii la baajiyey iyo kuwii dib u dhacay, inay haatan ku soo noqdeen sidii caadiga ahayd.

Saraakiisha sarsare ee Hay’adda duulimaadyada ee Maraykanka ayaa sheegay in khalkhalka ku yimi duulimaadyada Maraykanka inuu sababay cillad farsamo oo la soo deristay mid ka mida nidaamyada xogta haya, taasoo saamayn ku yeelatay nidaamka ‘Ogaysiinta Hawlgallada Hawada’ ee loosoo gaabiyo NOTAMs, nidaamkan ayaa ah qayb muhiima oo ka mid ah, hannaanka lagu maamulo duulimaadyada ka dhoofaya garoon kasta oo Maraykanka ku yaalla.

Cilladdan ku timi Computerka ayaa soo bilaabantay habeenimadii Salaasada, iyada oo si weyn u saamaysay duulimaadyada maalintii Arbacada.