Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 1,000 qof ayay la soo daristay dhibaatooyin xagga neefsashada ah ka dib markii dabeylo bacaad ah ay ku dhufteen bartamaha iyo koonfurta dalka Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Muthanna ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ugu yaraan 700 oo xaaladood oo ay arkeen ay ahaayeen kuwo neefqabasho ah.
Muuqaalo la soo galiyay baraha Internetka ayaa muujinayay meelo ay dadeen ceeryaamo oranji ah, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay in korontadu go’day sidoo kalena la hakiyay duullimaadyadii dhowr gobol.
Dabeylaha siigada wata ayaa ku badan Ciraaq, laakiin