Dugsiyada Quraanka ee Looxa oo kasii dhamaanaya Dhoobley

0
352

Dhobley(Idaacadda Sanguuni) Dugsi qur’aanka waa marxalad uu soo maray qof kasta oo Soomaliyeed Maadaama ay dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo Muslimiin ah oo ku soo barbaaray diinta islaamka,Sidaas darteed ayey dugsiyada quranku yihiin meesha kaliya ee ay bulshadu wax ku bartaan, dhanka diinta marka la eego.

Hadaba farqi noocee ah ayaa u dhaxeeyaa dugsiyadii hore iyo kuwa maanta jira Sheekh Maxamed Farax Xasan oo ah macalin dugsi quraan gaar ahaan midka looxa wax lagu barto ku leh deegaanka Dhoobley waxa uu sharraxayaa Faa’idada ay leedahay in Ubadka wax lagu baro Looxa.

Dhinaca kale qaar kamid ah ardayda ayaa sidoo kale Radio Sanguuni u sheegay iney jecelyihiin isticmaalka looxa.

Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad ayaa ka warramaya